Blog Careers
Careers

Sida aad u dhisi karto Portfolio Data Analytics ah oo kuu Horseedi kara Helidda Shaqo Sannadkan 2026

Yaclam 20 June 2026 8 min read

Dhisidda Portfolio xooggan ayaa ka qiimo badan shahaadooyin badan marka la joogo suuqa shaqada. Baro sida loo doorto Project sax ah, ka dibna sida loo taxliiliyo xogta, loona soo bandhigo natiijooyin ay Employers-ku qiimeeyaan.

Mid ka mid ah khaladaadka ugu badan ee ay sameeyaan dadka baranaya Data Analytics waa inay sannado ku bixiyaan koorsooyin iyo shahaadooyin badan iyagoo aan waligood samayn mashruuc dhab ah. Xaqiiqadu waxay tahay in Employer-ku aanu shaqaalaysiin shahaadooyinkaaga, balse uu shaqaalaysiiyo caddeynta muujinaysa waxaad qaban karto. Hal Portfolio Project oo si xirfad leh loo dhisay ayaa inta badan ka qiimo badan tobannaan Certificates oo CV-ga ku qoran.

Marka aad rabto inaad dhisto Portfolio-gaaga ugu horreeya, tallaabada ugu muhiimsan waa inaad doorato Dataset ama xog aad si dhab ah u xiisaynayso. Dad badan waxay ku cararayaan sameynta Portifolio iyagoo aan si qorshe leh u samaynin Charts iyo Dashboards hagaagsan. Habka saxda ah waa inaad mashruuca ku salayso su'aal ganacsi (Business Question) oo dhab ah taas oo noqonaysa dhammaan hadafkaaga iyo jawaabta aad raadinaysid. Isweydii: Maxaa dhacaya? Maxaa sababay? Maxaa la gudboon shirkadda ama maamulka inay sameeyaan? Marka aad mashruuca u qaabayso qaabkan, waxaad ka gudbaysaa ka fikirka Charts diyaarin oo kaliya, waxaadna u fikireysaa sida Data Analyst dhab ah.

Kadib markaad doorato Project portifolio, muhiimad gaar ah sii habka aad xogta ula diyaarinaysid. Qofka Data Analyst-ga ah ee wanaagsan ma aha qofka kaliya soo bandhigo Dashboard qurux badan, balse waa qofka sharxi kara dhammaan safarka ay xogta soo martay. Sida aad xogta u nadiifisay (Data Cleaning), sida aad u saxday khaladaadka, sida aad u qaabeysay xogta, habka aad u taxliilisay iyo sababta aad u dooratay habka aad wax u gorfeysay waa arrimo ay Employers-ku aad u daneeyaan. Tani waxay muujinaysaa hab fikirkaaga iyo awooddaada xalinta dhibaatooyinka inuu sareeyo.

Marka Project aad dhammeysid, Dashboard-kaaga iyo warbixintaada u soo bandhig sidii adigoo shir u jeedinaya Manager ama madax sare. Ha ku mashquulin kaliya muuqaal qurux badan. Diiradda saar fariinta ay xogtu gudbinayso. Sharax natiijooyinka muhiimka ah (Insights), waxa laga bartay xogta, iyo talooyinka lagu horumarin karo dhibaatada aad taxliilisay. Ganacsiyada iyo hay'adaha badankoodu uma bixiyaan mushaar si loo sameeyo Charts qurux badan, balse ee waa in xogta ay kuu dhiibaan looga soo saaro go'aanno ganacsi oo sax ah.

Ugu dambayn, markasta niyadda ku haay in Portfolio kasta yahay hantida ugu muhiimsan ee xirfaddaada Data Analytics. Waa meesha aad ku muujinayso aqoontaada la xiriirta tools-ka aad isticmaashay sida SQL, Power BI, Excel, Statistics iyo awooddaada xalinta dhibaatooyinka. Haddii aad diyaarisid dhowr Portfolio Projects oo tayadoodu sareyso, waxaad si weyn uga horumari kartaa dad kale oo badan oo haysta shahaadooyin tiro badan balse aan qaban wax shaqo dhab ah oo ay kartidooda ku muujiyeen. Sidaas darteed, waqtigaaga badan geli dhisidda Projects dhab ah, sababtoo ah suuqa shaqada wuxuu abaalmariyaa dadka soo bandhiga natiijooyin la taaban karo, ee ma aha dadka urursada Certificates badan oo keliya.

Guuleysta

Chat with us