Dad badan ayaa maanta xiiseynaya barashada Cybersecurity sababo la xiriira kororka weerarrada dhanka internet-ka, baahida sii kordheysa ee amniga dijitaalka ah iyo fursadaha shaqo ee badan ee ka jira dunida oo dhan. Si kastaba ha ahaatee, khaladka ugu weyn ee ay sameeyaan dadka bilowga ah ee raba Xirfaddaan Amniga Danabeysan waa inay si toos ah ugu boodaan barashada tools-ka iyo farsamooyinka adag iyagoo aan marka hore fahmin aasaaska tiknoolajiyadda. Xaqiiqadu waxay tahay in Cybersecurity uu yahay xirfad ku dhisan faham qoto dheer oo ku saabsan sida system-yada iyo networks-ka u shaqeeyaan.
Tallaabada ugu horreysa waa inaad barato aasaaska Computer-ka iyo Networking. Fahamka Operating System-yada sida Windows iyo Linux, qaabka ay Computer-adu u wada xiriiraan, IP Addresses, DNS, TCP/IP iyo Network Architecture ayaa ah saldhigga ay ku dhisan tahay xirfaddaan. Haddii aadan fahmin sida nidaamyadaas u shaqeeyaan, way adkaan doontaa inaad fahamto sida loo ilaaliyo ama loo ogaado meelaha nugul ee laga soo geli karo system kasta.

Marka aad iska dhisto aasaaskaas, waa inaad barato amniga xogta iyo nidaamyadeeda (Security Fundamentals). Fahamka Concept-yada sida Authentication, Authorization, Encryption, Firewalls iyo Risk Management kuwaas oo kaa caawinaya inaad fahanto sida shirkadaha u ilaashadaan xogtooda iyo hantidooda dijitaalka ah. Marxaladdaan waxaad sidoo kale bilaabi kartaa isticmaalka tools-ka aasaasiga ah ee Cybersecurity si aad u fahanto habka ay u shaqeeyaan.
Cybersecurity career levels.png
Mid ka mid ah khaladaadka kale ee muuqata waa in dadka intooda badan ay xoogga saaraan helidda shahaadooyinka oo keliya. In kasta oo helidda Certifications-ka sida CompTIA Security+, Google Cybersecurity Certificate iyo ISC2 Certified in Cybersecurity ay faa'iido leeyihiin, haddana Employers-ku waxay aad u daneeyaan xirfadahaaga dhabta ah iyo soo bandhigidda Project-yada aad qabatay. Sidaas darteed, samee Home Lab kuu gaar ah, ku tababar Virtual Machines, oo samee Projects Portifolios oo yar yar kuwaas oo muujinaya sida aad u fahamsan tahay amniga system-yada iyo shabakadaha internet-ka.
Marka aad kasbato aqoon iyo khibrad aasaasi ah oo la xiriira xirfaddaan, waxaad bilaabi kartaa inaad doorato jihada aad ku takhasusayso. Cybersecurity ma aha hal shaqo oo keliya, balse wuxuu ka kooban yahay qaybo badan sida Security Analyst, SOC Analyst, Penetration Tester, Digital Forensics, Cloud Security & Governance, Risk & Compliance (GRC). Doorashada jihada saxda ah waxay kuu sahlaysaa inaad si nidaamsan u dhisto xirfaddaada.
Ugu dambayn, Waa in aad niyadda ku haysaa in Cybersecurity uu yahay safar joogto ah oo waxbarasho. Teknoolajiyaddu way is beddeshaa, khataraha danabeysan ee internet-kana way sii kobcaan maalin kasta. Qofka ku guuleysanaya Xirfaddaan ma aha kan haysta shahaadooyinka ugu badan, balse waa kan si joogto ah u barta xirfado cusub, sameeya Projects dhab ah, isla markaana fahamsan sida loo xalliyo dhibaatooyinka amniga danabeysan ee dunida maanta. Haddii aad maanta bilowdo oo aad si joogto ah u barato, Xirfaddaan Cybersecurity waxay kuu noqon kartaa mid ka mid ah xirfadaha ugu qiimaha badan ee aad ku dhisan karto mustaqbalkaaga shaqada
Guuleysta