Blog Careers
Careers

Sida aad ku noqon karto Data Analyst Sannadkan 2026 (Complete Roadmap)

Yaclam 20 June 2026 5 min read

Data Analyst waa mid ka mid ah xirfadaha ugu baahida iyo kobaca badan dunida shaqada maanta. Warka wanaagsan ayaa ah in aan loo baahnayn inaad tahay Software Developer ama Programmer si aad uga shaqayso qaybta Data Analytics. Haddii aad barato xirfadaha saxda ah, isticmaasho qalabka ku habboon, isla markaana dhisto Projects dhab ah, waxaad muddo 8 ilaa 12 bilood gudahood ku gaari kartaa heer aad shaqo ku heli karto.

Inta badan dadka waxay u maleeyaan in noqoshada Data Analyst ay ku xiran tahay uruurinta iyo qaadashada shahaadooyin badan iyo daawashada casharro aan dhammaad lahayn. Run ahaantii, Employer-ka waxay daneeyaan waxa aad qaban karto (your value), ee ma aha inta shahaado ee aad haysato. Sidaas darteed, waxaa habboon inaad diiradda saarto dhisidda xirfado adag oo aad ku muujin karto kartidaada shaqo. Safarkan wuxuu ka bilaabanayaa fahamka aasaaska xogta (Data foundations), tirakoobka fudud (Basic Statistics), iyo adeegsiga tool-ka Excel ama Spreadsheets, kuwaas oo weli ah qalabka ugu badan ee lagu maareeyo xogta ganacsiyada.

Marka aad saldhiggaas xirfadeed yeelato, tallaabada xigta waa barashada SQL. Xeeldheerayaasha xog-falanqaynta badankoodu waxay isku raacsan yihiin in SQL ay tahay xirfadda ugu muhiimsan ee Data Analyst kasta looga baahan yahay. SQL waxay kuu oggolaanaysaa inaad xogta raadiso, kala soocdo, gorfeyso, taxliiliso isla markaana soo saarto macluumaad muhiim ah ee go'aan lagu qaadan karo. Inta badan Interviews-ka shaqooyinka Data Analytics-ka, su'aalaha SQL ayaa ah kuwa ugu badan ee lagu qiimeeyo musharraxa shaqada loo raadinayo.

Kadib SQL, dooro hal tool oo Data Visualization ah oo aad si qoto dheer u barato. Sannadka 2026, Power BI ayaa weli ah mid ka mid ah qalabka ugu awoodda badan uguna baaxadda weyn suuqyada shaqada ee Yurub iyo dalalka Khaliijka. Halkii aad isku dayi lahayd inaad barato qalab kasta oo jira, waxaa habboon inaad ku takhasusto Power BI, adigoo baranaya sida loo dhiso Dashboards hagaagsan oo xogta u beddeli kara charts iyo warbixinno si fudud loo fahmi karo.

Khaladka ugu weyn ee ay sameeyaan dadka ku cusub Data Analytics waa inay waqtigooda ku lumiyaan casharro badan iyagoo aan waligood samayn mashruuc dhab ah. Si taas looga fogaado, qaado hal Dataset oo dhab ah, kadibna ka samee ugu yaraan saddex ama afar Dashboard oo ka jawaabaya su'aalo ganacsi oo muhiim ah. Mashaariicdaas ayaa noqonaya Portfolio-gaaga, kaas oo ka qiimo badan shahaadooyin badan. Marka aad Portfolio adag ku darto CV diyaarsan iyo shahaaddooyinka caalamiga ah sida Microsoft PL-300, waxaad si weyn u kordhinaysaa fursadaha laguugu yeeri karto Interviews-ka shaqada.

Ugu dambayn, xusuusnow in qofka Data Analyst-ga ah ee wanaagsan aanu ahayn qofka sameeya Charts qurux badan oo keliya. Dadka Employers-ka waxay raadinayaan qof awood u leh inuu xogta ka soo saaro natiijo macne leh (Insights), kadibna si cad ugu sharxo madaxda go'aannada gaareysa. Baro Xirfadaha kale ee fudud sida Communication Skills, Public Speaking iyo Story telling, kuwaas oo kaa caawinaya inaad luuqad fudud ku sharxi karto xogta aad taxliilisay, sababtoo ah tirada iyo xogta aad diyaarisay xaqiiqdii wax qiimo kuma fadhiso haddii aanan loo beddelin go'aan wax ku ool ah. Taasi waa jidka ugu gaaban uguna saxan ee aad ku noqon karto Data Analyst guulaysta sannadka 2026.

Guuleysta

Chat with us