Blog Technology
Technology

Power BI vs Excel: Midkee ayay tahay inaad marka hore barato?

Yaclam 22 June 2026 6 min read

Excel iyo Power BI waa laba ka mid ah tools-ka ugu muhiimsan Data Analytics. Fahamka midka laga bilaabayo ayaa kuu badbaadin kara waqti badan oo aad qasaarin laheyd, isla markaana kuu dedejin kara safarkaaga xirfadeed.

Dad badan oo bilaabaya barashada Xirfadda Data Analytics waxay isweydiiyaan hal su'aal oo muhiim ah: ma Excel miyaa marka hore bartaa mise Power BI? Inkastoo labada tool ay yihiin xirfado aad looga baahan yahay suuqaan shaqada, jawaabta saxda ahi waxay ku xiran tahay heerkaaga aqooneed iyo yoolka aad rabto inaad gaarto. Waxa muhiimka ah in la fahmo ayaa ah in Excel iyo Power BI aanay ahayn tools cagsi isku ah, balse ay yihiin kuwo is dhammaystira oo wada shaqeeya.

Excel wuxuu ku fiican yahay marka aad baraneysid aasaaska xogta (Data Fundamentals). Waa halka aad ku baranayso sida loo qaabeeyo xogta, loo isticmaalo Formulas, loo sameeyo Pivot Tables, loo nadiifiyo xogta (Data Cleaning), loona fahmo sida xogta loogu beddelo natiijo macno leh. Barashada tools-kaan ayaa ah aasaaska ay ku dhisan tahay shaqada qofka Data Analyst-ga ah. Qofka si wanaagsan u fahma Excel wuxuu si fudud u fahmi karaa features-ka muhiimka ah sida Rows, Columns, Relationships iyo Aggregation, kuwaas oo laf-dhabar u ah taxliilinta xogta.

Haddii aad tahay qof gebi ahaanba ku cusub Data Analytics, waxaa habboon inaad safarkaaga ka bilowdo Excel. Tani waxay kuu dhisaysaa hab-fikirkaaga la xiriira xogta (Data Thinking) waxayna kuu sahlaysaa inaad mustaqbalka si degdeg ah u barato tools-ka kale ee advanced-ka ah. Dad badan ayaa isku dayaya inay si toos ah uga boodaan barashada Power BI iyagoo aan fahmin saldhigga adag ee xirfaddaan Data analysis, taas oo mararka qaar keenta jahwareer iyo faham la'aan ku saabsan sida xogtu u shaqeyso.

Dhanka kale, haddii aad hore u taqaanay Excel oo aad si joogto ah u isticmaasho Formulas, Pivot Tables iyo maareynta guud ee xogta, markaa waa waqtigii aad u gudbi lahayd barashada Power BI. Suuqa shaqada maanta, gaar ahaan dalalka horumaray sida Midowga Yurub, UK iyo dalalka Khaliijka, waxaa si weyn loo raadinayaa xirfadlayaal awood u leh inay xogta ka soo saaraan natiijooyin kala duwan, inay nadiifiyaan, inay taxliiliyaan, kadibna u beddelaan Dashboards iyo Reports ay maamulayaashu si fudud u fahmi karaan.

Awoodda dhabta ah ee Power BI waxay ku jirtaa Power Query, Data Modelilng iyo DAX (Data Analysis Expressions). Saddexdan xirfadood ayaa kuu oggolaanaya inaad maamusho xog badan, abuurto xiriirro u dhexeeya jadwallo kala duwan, isla markaana soo saarto cabbirro iyo xisaabaad ganacsi oo hagaagsan. Waa halka ay ka bilaabato kala duwanaanshaha u dhexeeya qof ku cusub barashada Data Analytics iyo qof Analyst oo diyaar u ah suuqa shaqada.

Ugu dambayn, ha u arkin Excel iyo Power BI inay yihiin laba tool oo kala duwan. U arag inay yihiin laba tallaabo oo isku xiran. Excel wuxuu ku siinayaa aasaaska xirfaddaan, halka Power BI uu kuu oggolaanayo inaad xirfadahaas gaarsiiso heer xirfadeed oo casri ah. Haddii aad maanta bilaabayso, xoogga saar Excel. Haddii aad Excel hore u taqaannay, ha lumin waqti badan ee si toos ah ugu gudub Power BI. Isku darka labadaas xirfadood ayaa ka mid ah waddooyinka ugu gaaban ee lagu noqon karo Data Analyst shaqana lagu heli karo sannadkaan 2026.

Guuleysta.

Related articles

No other articles in this category yet.

Chat with us